4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2021
Rooble iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay doorashooyinka iyo xiriirka labada dal

 

Jimco, May, 07, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo la kulmay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa labada mas'uul waxaa ay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dowladdood iyo doorashada Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Rooble markii lagu wareejiyay maamulka doorashada waxaa kulamo kala duwan oo uu la lahaa wakiilada beesha caalamka si ay uga gacan siiyaan dadaallada loogu jiro qabashada doorasho ku dhacda isla ogol,

Turkiga ayuu ka ka dalbaday in dowladda Turkiga ay kaalin wanaagsan ka qaadato Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya iyaga oo ka caawiya dhinaca tababarada ciidamada iyo dib u dhiska intaba

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]