4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Wiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday balli ku yaala duleedka Hargaysa
 

Khamiis, May, 6, 2021 (HOL) - Xasan Carab Aadan oo ahaa wiil 23 sano jir ah, ayaa ku geeriyooday balliga lagu magacaabo Xariirad oo ku yaala koonfurta Hargaysa.

Wiilka geeriyooday iyo 3 dhalinyro ah oo la socday ayaa saaka subixi balliga u dabaal tagay, iyagoo aan mid kood na sifiican u garanayn dabaasha, taasi oo sababtay in Xasan Carab uu biyaha ku qarqoomo oo uu sida ku geeriyoodo.

“4 qof ayay ahayeen inamadii (wiilashii) meesha yimid, marka inanka (wiil ka) dhintay, meel yara dheer buu isku yara qabooji is yidhi, marka ceel baa jiray xaga hore uyara qodnaa kadibna wuuku dhacay” Yasiin Cabdirisaaq oo goob joog ah, ayaa sida Saab TV usheegay.

Ciidamada dab-damiska Somaliland oo iyagu goobta gaadhay markii lagu soo wargeliyay, ayaa howlgal qaatay 4 sacadood kadib maydka biyaha kasoo saray.

“Abaaro 9:00 am, ayuu biyaha ku dhacay, howlgal 4 sacadood qaatay kadibna waanu soo saarnay maydkii” Mustafe Axmed Maxamud, oo ah ku xigeenka hogaanka howgalinta ee ciidanka dab-damiska ayaa sida Saabt TV u sheegay.

Wiil kan ayaa noqonayaa qof kii saddexaad ee muddo 4 cisho gudaheed ah ku naf waaya balli biyood gudaha Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraanonline
[email protected]