4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Gen: Dollaal oo ay maxkamadi ku xukuntay 2 sano oo xadhiga oo xabsiga laga sii daayay
 

Khamiis, May, 6, 2021 (HOL) - Gen: Jamac Maxamud Aadan (Dollaal), oo maxkamada millateriga Somaliland ku riday 2 sano oo xadhiga 11, April, ayaa xabsiga laga siidayay kadib cafis uu u fidiyay madaxweyne Biixi.

Dollaal ayaa 2 sano lagu xukumay kadib markii lagu helay danbi ah in uu la xidhiidhay qof ku sugan magaalada Muqdisho oo aan la faah faahin waxa dhexmaray.

Xadhiga Dollaal ayaa sababay banaanbaxyo rabshado wata oo habeeno is xig xigay ka dhacay magalada Burco oo uu Janaralku kasoo jeedo dhalasho ahaan.

Sidoo kale madaxda xisbiyada mucaaradka iyo dad magac kuleh gudaha Somaliland ayaa aad uga soo horjeestay xukunka ay maxkamada millaterigu ku riday Dollaal iyagoo madaxweynaha ugu baaqay in lasii dayo.

Ugu danbayntii maanta ayaa Dollaal cafis madaxweyne xabsiga lagaga siidayay, 25 cisho kadib markii maxkamada millaterigu ku riday 2 sano oo xadhiga.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]