4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Dalalka la isku yiraahdo G7 oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
 

Khamiis, May, 06, 2021 (HOL) - Shirka Wasiirada Arimaha Dibada ee wadamada barwaaqo sooranka ah (G7) oo todobaadkan ka dhacay London, ayaa war murtiyeeed kasoo baxay waxaa qeyb kamid ah looga hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wadamada G7 ayaa sheegay in ay ka  walaacsan yihiin jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyey dowladda iyo mucaaradka iyo cawaaqib-xumadii bani'aadamnimo ee ka dhalatay.

G7 waxay soo dhoweyeen ansixintii Baarlamaanka ee 1dii Maajo ee ahayd dib u bilaabista wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka oo ujeeddadiisu tahay in la dhammaystiro qaabka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii Sebtember.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay muujiyaan is xakameyn oo ay ka waantoobaan ficil kasta oo kicin kara xiisadaha siyaasadeed. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay ku magacaabeen Ergey gaar ah waxaanan diyaar u nahay inaan taageerno dadaalladaas,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka dalalka G7.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 waxay ka codsadeen madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, si deg deg ahna heshiis uga gaaraan arrimaha harsan.

Waxay sheegeen haddii taa la waayo, in ay  horseedi doonto  in beesha caalamku wax ka bedesho qaabkii ay ula dhaqmi jirtay Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online