4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Dagaal Beeleed goordhaw dib uga bilaawday duleedka magaalada Baledweyne
 

Khamiis, May, 06, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale dib uga bilaawday inta u dhaxeysa deegaanada Haarcadeey iyo Balada-nuur dagaal xoogan oo u dhaxeeya lab Maleeshiyo Beeleed oo Walaalo ah.

Dagaalka ayaa daba socda dagaal qaraar oo shalay labadan dhinac ku dhexmaray deegaanadaasi oo magaalada Baledweyne kaga beegan ilaa 6KM dhanka Galbeed.

Dagaalka ayaa ah mid qaraar oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aanan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ayaa hadana waxaa lasoo sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xaafada Howlwadag ee magaalada Baledweyne ayuu si weyn u saameyay dagaalka ka socda duleedka Baledweyne halkaasoo barakac aad u xoogan uu ka socdo ilaa shalay, dagaalkan ayaa salka ku haaya lahaan shiyaha dhul beereedyo ku yaala deegaanadaasi.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Militariga Soomaaliya oo shalay ku baxay joojinta dagaalka ayaana ku guuleysan iney baajiyaan dagaalka haatan ka socda duuleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]