4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Jigjiga: Warshad soo saaraysa Oxygenta oo laga furay Jigjiga

Arbaco, May 05, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markii u horeysay xariga laga jaray Warshad soo saaraysa Oxygenta, taas oo maalintiiba soo saaraysa 200 oo haamood oo Oxygen ah. iyo waliba Shaybaar casri ah oo lagu baadhayo Caabuqa COVID-19.

Xafladda xarig jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha degaanka Mustafe cagjar, ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Yuusuf Maxammed iyo Masuuliyiin kale.

Haddaba Warshadan oo ah tii u horeysay ee degaanka Soomaalida laga hirgaliyo, ayaa noqonaysa mid lagaga maarmayo Oxygen tii meelaha kale loo doonan jiray, waxayna kusoo hagaagaysaa xilli baahi badan loo qabay oo wali uu jiro cudurka Covid 19.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]