4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ku shiray Teendhada Afisiyooni

 

Arbaco, May 05, 2021 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo shir ku leh teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho  ayaa ka wada hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka

Gaar ahaan kulanka ayaa diirada lagu saarayaa xaaladaha siyaasada dalka, doorashooyinka iyo fududeynta howlaha horyaala xukuumadda Ra’iisal Wasaaraha oo ay ugu horeeyo shirka soo socda ee 20-ka bisha May ka dhacaya  Mogadisho.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra'iisal Wasaare Rooble tan iyo markii lagu wareejiyay mas'uuliyada doorashada dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa imanaya xili Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan dib uga laabtay go'aankii muddo kordhinta labad asano oo ay siweyn wakiilada beesha caalamku ugu riyaaqeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]