4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Saddex ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, May 05, 2021 (HOL) -  Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax miino oo goor dhaw ka dhacay deegaanka Kaxda ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan ayaa lala eegtay gaari SURF,waxaana la sheegay inay ku dhinteen saddex ruux, halka qof dumar ahna uu dhaawac ka soo gaaray.

Lama sheegin dadka gaariga la socday ee qaraxa  lala eegtay waxaana goobta qaraxa taggan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhaya qaraxyada noocan ah ee loo adeegsano miinada oo inta badan lala eegto gaadiidka ay la socdaa saraakiisha iyo mas'uuliyiinta dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]