4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Dowlada Ingiriiska oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar
 

Talaado, May, 4, 2021 (HOL) - Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa si wadajir ah mashruucan uga dhagax dhigay duleedka bari ee magaalada Hargaysa.

Guddoomiyaha mashruuca Berbera Corridor Ciise Xamari, ayaa sharaxad ka bixiyay mashruucan iyo u jeedada laga leeyahay.

“Wadadan dherer keedu waa 22.5 KM waxayna ka wareegaysa duleedka magaalada ee waqooyi, waxayna ka bilaabmaysa Haleeya (kantaroolka bari ee Hargaysa), kuna dhamaanaysa isbitaalka Shifo” ayuu yidhi Xamari.

“Wadadani waxay qayb ka tahay Berbera Corridor, magaalada ayay samxada ka qaadaysa, waxana loogu talo galay in markay dhamaato ay mari karaan 1000 baabur oo xamuula maalintii halkay imika maraan 30 ama 40” ayuu hadalkisa kudaray.

Wadadan oo qayb ka ah Berbera Corrdor, ayaa marka la dhamaystiro waxay sahli doontaa in baabuurta waa weyn ee xamuulka laga leexiyo magaalada Hargaysa oo ay markii hore dhexmari jireen

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]