Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Ciidamada taabacsan musharraxiinta oo sharuudo ku xiray in ay xeryahooda dib ugu laabtaan
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada taabacsan mucaaradka ee kasoo horjeestay mudo kordhinta ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in aysan ka bixi doonin goobihii ay farriisinka ka sameysteen kadib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood, oo uu ku jiro taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon iyo saraakiil kale oo ay kamid yihiin Indho-cadde iyo taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee uu tababaray Mareykanka Danab Ismaaciil Cabdimalik.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaan waxay uga digeen dowladda inay hakiso mushaaraadkooda waxayna wacad ku mareen inay kusii nagaan doonaan boosaskooda ilaa iyo inta uu raiisul wasaaraha ka qaadayo talaabooyin muuqda oo kalsoonidii dib usoo celin kara.
Waxay dalbadeen in shaqo joojin lagu sameeyo saraakiisha militariga iyo booliska ee lala xariirinayo madaxweynaha xilka ka degaya si kalsooni looga dhex abuuro labada garab ee ciidamada isku haya.
Midowga Yurub iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada is khilaafsan inay xaaladda dajiyaan islamarkaana la kala qaado ciidamada is ku horfadhiya gudaha magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay dalbanayaan in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo amniga guud ee dalka, iyagoo sheegay in madaxweynuhu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Dowlada Ingiriiska oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar
5/4/2021 10:54 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL) - Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka Soomaaliya
5/4/2021 10:24 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland oo markii ugu horaysay ka hadlay xadhiga musharixiinta mucaaradka
5/4/2021 10:00 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.
Amiirka Qatar iyo madaxweyne Farmaajo oo khadka talleefoonka ku wada hadlay
5/4/2021 9:53 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Iyadoo labadii cisho ee la soo dhaafayba magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa wada hadal khadka talleefoonka ah yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani
Guddi ka soo tala bixiya xasilinta magaalada Muqdisho oo la magacaabay
5/4/2021 8:08 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ku dhawaaqay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xiisada magaalada Muqdisho, kuwaa oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay Soomaaliya
5/4/2021 2:55 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.
Farmaajo'' Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho
5/4/2021 2:15 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiillo ka kala socday warbaahinta Soomaaliyeed.
Taliska Booliiska Soomaaliya oo soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha shaqo ee ciidanka
5/4/2021 1:57 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha ciidanka Booliiska, kaddib eedeymo maalmihii ugu danbeeyay loo jeedinayay.
Somali News
Man City ousts PSG to reach first Champions League final
-
AP
5/4/2021 5:19 PM EST
MANCHESTER, England - Riyad Mahrez scored twice to complete Manchester City’s journey to a first Champions League final with a 2-0 victory eliminating Paris Saint-Germain 4-1 on aggregate on Tuesday.
UK launches road infrastructure project in Somaliland
-
HOL
5/4/2021 12:03 PM EST
Hargeisa (HOL) - The British government is investing $ 17 million in a 22.5 km road project that will divert trucks from Hargeisa.
Eritrea’s Afwerki lands in Sudan as US special envoy heads to the Horn of Africa
-
HOL
5/4/2021 7:54 AM EST
KHARTOUM (HOL) - Eritrea’s President Isaias Afwerki arrived in Sudan Tuesday afternoon as the newly appointed special envoy for the Horn of African Jeffrey Feltman made way into the restive region.
Qatari Special Envoy meets with PM, opposition figures
-
HOL
5/4/2021 1:52 AM EST
Mogadishu (HOL) - The freshly appointed Qatari special envoy arrived in Mogadishu on Tuesday, where he met with Somalia's Prime Minister and leading members of the opposition.
Biden to allow up to 62,500 refugees into US after criticism
-
AFP
5/4/2021 1:09 AM EST
President Joe Biden announced Monday, after coming under fierce criticism, that he was raising the maximum number of refugees allowed into the United States this year to 62,500 -- up from the 15,000 cap imposed by his predecessor Donald Trump.
Farmajo receives credentials from new Ethiopian ambassador
-
HOL
5/4/2021 1:00 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo received credentials from the incoming Ethiopian Ambassador to Somalia Abdulfatah Abdullahi Hassan on Monday.
Garissa elders welcome state’s move to close refugee camps
-
The Star
5/4/2021 12:11 AM EST
Garissa elders have welcomed the move by the government to close Kakuma and Daadab refugee camps.
Somali journalists alarmed over spike in attacks on media
-
VOA
5/4/2021 12:09 AM EST
MOGADISHU - Somalia is one of the lowest-ranked countries in Africa for press freedom, and advocates are calling on authorities to do more to support journalists as the Horn of Africa nation looks ahead to elections.