4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Taawarka laga hagayo garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo xarigga laga jaray


Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Duraan Axmed Faarax ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray Taawarka garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan hay’adda Duulista Hawada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

“ Waxaa inoo farxad ah in muddo ka dib taawarka dhismihiisa uu dhammaado , waxaan guda galeynaa wajiga labaad oo ah si casri ah in loo qalabeeyo , wuxuu yaalla qalabka Muqdisho si deg deg ah ayaana halkan loogu soo wareejin.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka ayaa inta ku daray in dhammeystirka mashruucan lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha Baydhabo uu bilow u yahay tayeynta adeegyada Hawada ee garoomada Dalka oo midka Baydhabo uu ugu horreeyo.

“ Ujeeddada aan hiigsaneyno ayaa ah in garoonkan uu bixiyo dhammaan adeegyada laga helayo garoonka caasimadda Muqdisho ee Aadan Cabdulle, wuxuu sidoo kale door weyn ka qaadanaya shaqo abuurka dhallinyarada Koonfurgalbeed adeegga dab-damiska ayaana shaqaalaha u horreeya hadda looga baahanyahay.” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhammeystirka dhismaha taawarka ku tilmaamay mid ka dhigaya hannaanka shaqo ee garoonka mid casri ah.

“ Horumarinta garoonkan waxay wax badan ku soo kordhinaysa deegaanka iyo guud ahaan Dalka, waxaan u mahadcelin cid walba oo dadaal galisay inan halkan soo gaarno.”

Magaalada Baydhabo ayaa 250 km u jirta magaalada Muqdisho , iyadoo horumarinta garoonka uu yahay mid taageeraysa garoonka caalamiga ah Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]