4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble war ka soo saaray maalinta Xorriyada Saxaafadda

 

Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalinta xorriyada saxaafadda Aduunka awgeed hambalyo u dirray dhamaanba suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maanta oo kale sanad walba 03 bisha May waxaa dunida oo idil laga xusaa maalinta Xorriyada Saaxafadda Dunida.

Qoraal uu soo saaray Ra'iisal Wasaare Rooble ayuu ku yiri '' Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan,dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmaya Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka  go’antahay  in la dhowro bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu gelayo xaallad doorasho, taas oo saxafiyiintana saaraysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo la turxaan bixiiyay.

Sidoo kale hambalyo taa la mid ah waxaa bahda warfaafinta u dirray Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]