7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo la shaaciyay xilliga uu xirmayo
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa laga gaaray natiijo wanaagsan, waxaana shirka la soo xiri doonaa maalinta Khamiista ah, sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow.

Macalimow ayaa sheegay in is fahanka shirka uu maalinba maalinta kasii dambeysa kasii wanaag sanaanayo islamarkaana madaxdu ay muujiyeen bisayl ku aadan sida ay u doonayaan heshiis in laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa hadda gabagabo maraya dhameystirka qodobada heshiiska. Afhayeenku wuxuu sheegay in mugdiga laga saaray qodobo ay kamid yihiin amniga doorashada oo horay walaac looga muujinayay sida loo maamulayo.

Beesha caalamka ayaa bogaadisay shirkaan waxayna madaxda ka qeyb galaysa ku boorrisay inay muujiyaan tanaasul wax kastana laga horumariyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online