7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Xisbiga Waddani oo isu soo baxyo ka sameeyay gobolada iyo degmooyinka Somaliland maalinta saddexaad ee ollolaha


Talaado, May, 25, 2021 (HOL) - Madaxda, taageerayaasha iyo musharixiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa isu soo baxyo ka dhigay gobolada iyo degmooyinka Somaliland maalinta saddexaad ee ollolaha doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada.

Kumanaan taageerayaal ah oo qaarna lulayaan qaarna ku labisan yihiin calanka midabka liimiga ah leh ee xisbiga Waddani, ayaa subaxdii hore ba buux dhaafiyay fagaarayaasha ay ka dhacayeen usoo baxyada ollolaha xisbiga Waddani.

Madaxda ugu saraysa xisbiga Waddani, musharixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiilada, iyo taageerayaashooda, ayaa subaxdii hore usugu yimid beerta xoriyada ee magaalada Hargaysa, halkasi oo uu ka qabsomay isusoobaxa ugu baladhani.

Guddoomiyaha xisbiga ahna musharaxa madaxweynaha Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xisbigiisu uu dadaal dheer usoo galay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.

“In doorashadu inoo qabsoonto xisbiga Waddani iyo aniga oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani waxanu galinay tacab badan, waxanu u dulqaadanay waxyaabo badan oo aan loo dulqaateen” ayuu yidhi.

“Waxanu muujinay samir, waxanu muujinay dulqaad, si doorashadu inoogu qabsoonto”.

“Maanta waxaynu soo gaadhnay oo aynu u dareeraynaa in doorashooyinkii isku sidkana ee J. Somaliland inoo qabsoomaan 31 May” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale cambaareeyay weeraradii todobaadkan lagu rasaaseeyay xafiisyada xisbiyada mucaaradka ee magaalada Laascaanood.

“Lama aqbali karo waxkasta oo xumaynaya in doorashadu si nabada inoogu qabsoonto, waxan si adag u cambaaraynaya falkii fulaynimada aha, ee lagu rasaaseeyay xafiisyada Waddani iyo UCID ee Laascaanood” ayuu yidhi.

Ollolaha xisbiga Waddani ee maanta ayaa ahaa maalintiisii koobaad, iyadoo ollolaha doorashadu uu soconayo maalintii saddexaad oo xidhiidha.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online