7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2021
Japan oo hal Milyan oo doollar ugu deeqday maamulka dowlad deegaanka Itoobiya


Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Dowladda Japan ayaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday aduun lacageed oo gaaraya hal Milyan oo dollar.

Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya ayaa la sheegay in loogu talo galay in wax looga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga.

"Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dawlada Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax" ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa aay qorshaha ku darsatay in biyo gelin dhameystiran u sameyso magaalooyinka kala ah Jigjiga, Qabribayax, Dhagaxbuur iyo Wardheer sanad- miisaaniyadeedka soo socda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]