7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta aay ka shiraan arrimha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka dalka oo aanan weli heshiis rasmi ah laga gaarin iyo waliba xaalada Bini'aadanimo ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa warbixino looga dhageysan doona sida qorshuhu yahay Wakiilka gaarka ah ee  Xoghayaha Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxa AMISOM Francisco Madeira.

"Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya - qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani'aadamnimada. Waxaa warbixinno kooban siin doona golaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore kulamo xasaasi ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka Soomaaliya, waxaase uu shirkan kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho maalintii afaraad uu shir uga socdo Teendhada Afisyooni madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si aay xal buuxa uga gaaran khilaafka hortaagan qabsoomida doorasho dalka ka dhacdo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]