7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Wabiga Shabeelle oo bilaabay inuu ku fataho qeybo ka mid ah magaalada Baledweyne
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ayaa Xalay ku fatahay Xaafada Xaawo-taako gaar ahaan laanta dhagax jibis halkaas oo aay dadku bilaabeen iney isaga barakacaan kadib markii xalay waqti dambe biya qulqulaya aay guryaha ugu soo galeen.

Qaar ka mid ah dadka degan xaafada dhagaxjibis oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa inoo sheegay in biyaha guryahooda ka barakiciyay aay ahayeen biyo si caadi ah loo soo furay oo aaysan aheyn biyo iska soo butaacay.

Muddo hal sano ah waxaa si toos ah Baledweyne iyo nawaaxigeeda ka socday dadaalo lagula tacaalayay ka hortaga khatarta fatahaada iyo waliba in looga barakaco gudaha magaalada Baledweyne.

Guddiga ayaa dadaalada aay sameeyeen waxaa ka mid ahaa qoditaanka Kiliyada Waraaboole iyo Dhagaxjibis iyo carro tuuro waa weyn oo aay ka sameyeen inta badan meelaha uu ka jilcanaa wabiga Shabeelle, inkastoo hadda xaafadii ugu horeysay oo ka tirsan gudaha magaalada Baledweyne uu bilaabay inuu ku fataho wabiga Shabeelle walow la sheegayo in biyahaasi la rumeysan yahay iney dad masuuliyiin ah soo fureen sida aay ku andacoonayaan dadka xaafada dhagaxjibis oo noqday kuwii ugu horeyay oo aay biyaha barakiciyaan.

Marka lagasoo tago xaafada dhagaxjibis waxa kaloo biyaha wabiga Shabeelle aay kasoo baxeen xerada lamagalaay oo aay ku yaalaan xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka iyo kan degmada, waxaana biyahaasi sababta aay uga soo baxeen halkaasi walaac ka muujiyay dadka ku dhaqan Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]