7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Militariga dalka Mali oo xiray Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha dalkaas
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Ciidamada Militariga dalka Mali ayaa xiray madaxweynaha dalkaas iyo waliba Raysal wasaarahiisa, wasiirka difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Madaxweyne Bah Ndaw, iyo Raysal wasaare Moctar Ouane, wasiirkiisa difaaca Souleymane Doucoure ayaa dhamaantood loo kaxeeyay xero Militari oo ku taala magaalada Bamako.

Xariga madaxda dalka Mali ayaa kusoo beegmeysa bilooyin kadib markii Militariga dalkaasi aay talada ka tuureen madaxweynahii hore Mali Ibemrahim Boubacar.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loogu soo celiyo xoriyadooda madaxda la xiray ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi Mali.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]