7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Haweeney Koofur Afrikaan ah oo dishay ninkeedii oo muwaadin Soomaaliyeed ahaa
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Wararka ka imaanaya magaalada Johannsberg ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdikariin Mahdi Saalax.

Allah u naxariiste Cabdikariin Mahdi Saalax waxaa dishay Xaaskiisa oo aheyd haweeney u dhalatay dalka Koofur Afrika, waxaana la sheegay inay ku dishay Bistoolad uu isaga lahaa kadib khilaaf soo kala dhex galay marxuumka iyo iyada sida aay warbaahinta u xaqiijiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Haweeneyda ayaa la sheegay markii aay dilka geysatay kadib iney wacday Booliiska dalkaasi dabadeedna aay u sheegtay falka aay geysatay, intaas kadibna Booliiska aay gacanta kusoo dhigeen sidaasna lagu xiray haweeneyda dishay ninkeedii oo muwaadin Soomaaliyeed ahaa.

Dalka Koofur Afrika waxaa labadii todobaad ee ugu dambeysay lagu dilay ku dhawaad 10 qof oo ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi u tagay iney ka ganacsadaan si noloshooda ugu maareeyaan, waxayna halkaasi kula kulmaan dhibaatooyin kala duwan sida dilka, boobka iyo dhaca.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]