7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 25, 2021
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo daaha ka rogay xogta rasmiga ah ee weerarkii Alshabaab ka geysteen xabsiga Boosaaso
 

Talaado May, 25, 2021 ( HOL ) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in weerarkii Alshabaab  bishii march ay ku qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso ay ku sii daayeen 337 maxaabiis ah oo ay 140 kamid ah u xirnaayeen dambiyo la xidhiidha argigixisnimo.

Toban kamid ah maxaabiistaas ayaa ahaa dumar.

Taliyihii xabsiga Bosaso, 7 katirsan ciiddanka amniga iyo Labo askari oo ciiddanka asluubta Puntland kamid ah ayaa ku dhintay weerarkaas. Halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaas inuu kamid ahaa weerarro heerkoodu sareeyo oo ay Alshabaab ka geysteen Soomaaliya.

Xogta weerarkaan ayaa qeyb ka ah warbixin saddex bilood leh oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taasoo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka QM.

Dhinaca kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ururka Daacish uu bishii abril saddexdeedii  ciidamada Puntland la beegsaday weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhinteen  Laba askari.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online