7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 23, 2021
Puntland: Laascaanood iyadoo aan dhiig ku daadan ayaan tagaynaa doorashooyinka soo socdana waan ku qabanaynaa
 

Axad, May, 23, 2021 ( HOL ) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood kusoo celin doonaan gacanta Puntland, iyadoo aan dhiig ku daadan.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ay u qorshaysan tahay in Laascaanood ay ka dhacaan doorashooyinka soo socda, farsamo ahaanna ay howshaas hadda gacanta ku hayaan.

“Laascaanood shaqadeeda way socotaa. Waxaan rabnaa iyadoo aan dhiig ku daadan in aan shirarkeena ku qabsano. Dhulkeena dastuuriga ah doorashadu way ka wada dhacaysaa.” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Puntland.

Magaalada Laascaanood ayaa Puntland laga qabsaday sanadkii 2007, kadib markii Somaliland ay xoog kula wareegtay. Tan iyo waqtigaas Puntland kuma guulaysan in ay dib usoo ceshato.

Sanadkii 2018, Somaliland ayaa mar kale la wareegtay degmada Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe oo ah caasimadda looga arrimiyo Puntland.

Puntland oo hadda isku diyaarinaysa doorashooyinka axsaabta badan ayaa wasiirkeeda arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ay doorashada ku qabanayaan dhammaan deegaanada ku jira dastuurka Puntland oo ay Laascaanood ku jirto

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ay ka dhigi doonaan magaalo ay Puntland qeyb kamid ah maamusho sida lamid ah magaalada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan Puntland iyo Galmudug.

“Haddii Dadka eheladeena ee Ceerigaabo degen ay rabaan in ay Somaliland wax la dhistaan mustaqbalka, waan soo dhoweynaynaa, haddii kalena Gaalkacyaba labo maamul ayaa degen Puntland iyo Galmduug ayaa  ka taliya, sidaas ayaan rabnaa in ay noqoto,” ayuu yiri Dhabancad.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland oo maalmaha soo socda galaysa doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa deegaanka, ayaa qorshaynaysa in- doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada  Sool iyo Sanaag oo ay Puntland qeyb kamida maamusho.

Arrintaan ayaa laga cabsi qabaa inay dib usoo celisho isku dhacyadii labada maamul. maamulka Puntland ayaa ciidamo geeysay deegaanada Somaliland qorsheynayso in ay geyso sanaadiiqda codbixinta, si ay uga hortagto qorshahaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online