7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 23, 2021
Ollolaha doorashooyinka Somaliland oo maanta si rasmi ah u bilaabmay


Axad, May, 23, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, oo safka hore kaga jira jadwalka maalmaha ollolaha ee doorashooyinka wakiilada iyo deeganka Somaliland, ayaa maanta ollolihiisa ka bilaabay dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Isku soo baxyada ollolaha xisbiga UCID, ayaa madaxoodu bilaabmay saqdii dhexe ee xalay iyada oo markii uu saaka waagu baryayna madaxda iyo taageerayaasha xisbigu iskugu soo bexeen fagaarayaasha iyo xafiisyada xisbiga ee gobolada iyo dagmooyinka Somaliland.

Taageerayaasha isku soo baxa ka qayb galaya, ayaa sita sawirada iyo astamaha musharixiinta xisbiga ka sharaxan, ee kasoo jeeda gobolka ama dagmada uu dabaal dagu ka dhacayo, iyagoo ku dhawaqaya halku dhagyo ay guul ugu rajaynayan xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ollolaha xisbiga ee maalinta kobaaad kaga qayb galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay muhiimada ay doorashooyinkani leeyihiin, isagoo ku andacooday in xisbigiisu uu soo sharaxay dadkii isbadalka horseedi laha.

“Waxaynu doonaynaa in aynu doorashadan ka dhigno tii Somaliland ka dhigilahyd dal shaqeeya oo caddaalad ku dhisan” ayuu yidhi.

“Waxaynu doonaynaa in aynu soo xidhno bogii aha dowlad daciifa oo qabyaalad ku dhisan, oo aynu ku badalo dowlad shaqaysa oo dad aqoon lihi meel kasta joogaan”.

“Waxanu idiin soo xulnay dad waddankan mustaqbal u sameeya, oo cadowgeenu aanu ku sheekaysan tamar daradeena” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ollolaha doorashooyinkan aya ka kooban sidi hore looga bartay, waxanu socon doona 6 cisho oo kaliya, iyadoo xisbi kastana la siiyay 2 maal mood oo kaliya oo uu ku dhamaysan doono isku soo baxyadiisa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]