7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 23, 2021
Sacuudiga oo shaacisay tirada sanadkaan xajinaysa iyo sharuudaha laga rabo
 

Axad, May, 23, 2021 ( HOL ) - Wasiirka Arimaha Diinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr Noor-ul-Haq Qadri, ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay u ogolaatay 60,000 oo qof, oo ka kala imaanaya daafaha dunida, ay soo gutaan waajibaadka Xajka sanadkan.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in 15,000 kamid ah xujeyda ay noqon doonaan kuwa maxalli ah halka 45,000 ay ka kala imaan doona qaybaha kale ee dalalka adduunka.

Wasiirka ayaa sheegay in xujeyda jira da'da 18 ilaa 60 sano loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan islamarkaana laga rabo in ay soo bandhigaan warbixinta xaaladdooda caafimaad.

Wuxuu sheegay in shahaadada tallaalka Corona ee saxda ah iyo baaritaanka taban ee PCR ay qasab noqon doonaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo awqaafka Soomaaliya, Shiikh Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay in ay sanadkan rajeynayaan in ay xujey Soomaaliyeed soo xajiyaan, wuxuuna qof walba oo ku haminaya xajka uu ku boorriyay inuu qaato tallaalka Covdi19.

Xajka muslimiinta ee magaalada barakeysan ee Makka ayaa la hakiyay markii ugu horeysay taariikhda casriga ah sanadkii 2020 sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.

Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii hore kaliya u ogolaatay 1,000 xujey ah oo ka yimid dalalka xuduuda laleh inay xajka aadaan, arintaas oo aad uga qaylisiisay in ka badan 2.5 milyan oo muslimiin ah oo guud ahaan xajka sanad walba soo xajiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online