7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 23, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Axad, May, 23, 2021 ( HOL ) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bam gacmeed loo adeegsaday oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka ayaa lagu qaaday Bar koontarool oo aay ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin Isgoyska Boqoleyda oo ku yaala xaafada Bardaalle ee magaalada Baydhabo, waxaana weerarka Bambaanada kadib la maqlay rasaas xoogan .

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 2 qof oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay iney ku sugnayeen goob jaadka lagu iibiyo oo aad ugu dhaw Barta koontarool ee la weeraray.

Kooxdii weerartay Barta koontarool ayaa isaga baxsatay goobta weerarkooda kadib mana jirto wax war ah oo ilaa haatan kasoo baxay laamaha amaanka magaalada Baydhabo oo la xariira weerarkii xalay ka dhacay Baydhabo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]