7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 23, 2021
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeymaha Israa'iil ee Marinka Qasa
 

Axad, May, 23, 2021 ( HOL ) - Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar duqeyn ahaa oo aay ciidamada Israa'iil ka geysteen dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan Marinka Qasa.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayay si kulul uga hadashay duqeynta aay ciidamada Israa'iil la beegsadeen xarunta Hay'adda Bisha Cas ee Qatar ee ku taala Marinka Qasa.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya waxa aay cambaareyneysaa weerarka duqeynta cirka ah ee ciidamada gumeysiga Israa'iil  ku bartilmaameedsadeen xarunta Hay'adda Bisha Cas ee Qatar ee Marinka Qasa galabnimadii Isniinta, 17-ka bisha May  kasoo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro dad ah oo aanan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad Bin Khalifa oo adeegyo Caafimaad u fidinayay dadka Naafada ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, falkan waa talaabo aan marmarsiyo laheyn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga Caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaraadda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay horay u muujisay garab istaaga dadka rayidka ah ee reer Falastiin, iyadoona horay u cambaareysay weerarda duqeymaha ee Israa'iil ka geysanaysay dhulka reer Falastiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]