7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 22, 2021
Meydka ganacsade Soomaali-Mareykan ah oo la helay kadib maalmo la la’aa

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) - Meydka Bashiir Maxamuud Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah, ayaa meydkiisii laga helay magaalada Kerugoya oo 200km u jirta magaalada Nairobi.
 
Meydka Bashir ayaa laga dhex-helay meel lagu keydiyo meydka dadka aanan la aqoonin

Marxuumka ayaa la weysanaa ku dhowaad kow iyo toban maalmood ka dib markii ay soo wargeliyeen qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Marxuumka oo ahaa 35 jir maamule ka ah shirkadda Infinity Development Limited ee fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa la waayey 13-kii bishan May.

Markii ugu dambeysay ayaa la arkay isaga oo 5-ta galabnimo ka baxaya qolka nasashada ee xaafada Lavington ee magaalada Nairobi.

Gaarigiisa Range Rover ayaa laga helay nawaaxiga Kibiku isaga oo dambus ah.

Bashiir ayaa u guuray Nairobi, halkaas oo uu kula noolaa isga iyo xaaskiisa aagga Lavington. Shirkadiisu waxay hormuud ka ahayd mashaariic badan oo laga fuliyay Kenya iyo Soomaaliya.
 
Dilka marxuum Bashiir Maxamuud Gaboobe ayaa welwel iyo walaac weyn ku abuurtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. Magaalada Nairobi ayaa dilalka noocaan ah loo aaneeyaa waxyaabo la xiriira tartan ganacsi ama arrimo siyaasadeed.
 
Bashir Gaboobe oo haysto dhalashada Mareykanka ayaa waxaa rajo weyn laga qabaa in dowladda Mareynka baarto dilkaas ka dib maxkamad la keeno ciddii ka dambeysay dilka Bashiir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online