7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 22, 2021
Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho
 

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maanta ka furmay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Dhamman madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shirkaan ka qeyb galaya, waxaana  looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17 september.

Qodobada shirkaan looga dooddidoono waxaa kamid ah guddiyada doorashada ee lagu muran sanyahay, arrinta gobolka Gedo iyo amniga doorashada.

Waa shirkii ugu horeeyay ee raysal wasaaruhu shir guddoominayo kadib markii kowdii bishaan May uu madaxweyne Farmaajo raysal wasaaraha ku wareejiyay hoggaaminta doorashada.

Golaha musharraxiinta oo dibad joog ka ah shirkaan ayaa dhinaca kale il gaar ah ku haya waxyaabaha kasoo bixidoona, iyagoo soo dhoweeyay in raysal wasaaruhu la wareego talada doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online