7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 22, 2021
17,735 arday oo maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee maamul goboleedka Puntland


Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) - Ardayda fasalka 4-aad ee Dugsiyada Sare iyo kuwa fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee deegaanada Puntland ayaa maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Tirada ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa gaaraya  17,735, waxaana Imtixaanka furay Madaxweyne ku-xigeen Puntland Axmed Karaash iyo wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Jaamac Xasan.

Wasiirka waxbarashada Puntland iyo madaxweyne Axmed Karaash ayaa ardayda u sheegay in sanadkan imtixaanku fudud yahay, iyagoo u rajeeyay ardayda in ay guul kusoo gabagabeeyaan hayaankooda waxbarasho ee ay ugu jireen 12 sano..

Puntland waa maamul goboleedka kaliya ee imtixaankiisu ka madax bannaan yahay imtixaanka dowladda federalka Soomaaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay khilaafyo arrintaan ka dhashay ayaa sababay in ardayda Puntand ku waayaan shahaadooyinkoodii heer federal, inkastoo markii dambe xukuumada hadda jirta ay xallisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online