7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 22, 2021
Dagaal xoogan oo goordhaw ka bilaawday degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose
 

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) - Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu goordhaw halkaasi ka qarxay kaaso u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayo ayaa markii hore ka bilawday xaafada Muuri ee degmada Wanlaweyn, waxaana la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha degmada Wanlaweyn iyo guddoomiye ku xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada degmadaasi.

Dagaalkan u dhaxeeya guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay inuu salka ku haayo khilaaf la xiriira dhinaca awooda maamulka degmada oo aay horay dhowr jeer isugu qabsadeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda xaafada Muuri ee degmada Wanlaweyn waxaysa dadka deegaanka sheegayaan inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka socda.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]