7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2021
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Jimco, May, 21, 2021 ( HOL ) -  Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa wafdiga madaxweynaha ku soo dhaweeyay Xildhibaannada Labada Gole iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowlad gobolleedyda dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan shirka maalinta berri ah ka furmaya magaalada Muqdisho ee loo arrinsanayo doorashada dalka.

Shirkan waxaa horay ugu baaqay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]