7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2021
Guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey oo goordhaw Qarax lagu dilay
 

Jimco, May, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka garasbaaleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay deegaankaasi lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo laba ka mid ahaa ilaaladiisa sida aay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa lagu dilay guddoomiye Garyare ayaa ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha aay ka kooban tahay Garasbaaleey.

Allah u naxariistee guddoomiye Garyare ayaa la sheegay in qaraxa lala beegsaday gaarigiisa xili uu kasoo baxay Salaadii Jimcaha.

Si kastaba ha ahaate 4 bilood ka hor ayay aheyd markii guddoomiye ku xigeenkiisii iyo guddoomiyahii dhalinyarada deegaankaasi lagu dilay qarax lala beegsaday isla deegaanka Garasbaaleey.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]