7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Gobolka Banaadir

Jimco, May, 21, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan iswareysi ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho gaaray.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimoow ayaa sheegay in kulankan uu hordhac u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sida qorshuhu ahaa waxaan rajeynaynay in uu furmo Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka khamiistii shalay.  balse cillado dhanka farsamada ah oo qabsaday imaanshaha Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Puntland ayaa dib u dhaca keenay, sidaas darteed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu kalan ku maamuusay Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray Caasimadda.” ayuu yidhi Macallimoow.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u dhammeystirtay diyaargaroowga ku aaddan qabsoomidda shirkan muhiimka u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo hirgelinta heshiiska doorashooyinka, si ay ugu qabsoomto xasillooni iyo midno.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online