7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Cabdiraxmaan Cirro oo xukuumada ku eedeeyay dayac ka muuqda gurigii Somaliland lagaga dhawaaqay
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay sabab u yihiin dayaca ka muuqda gurigii Somaliland lagaga dhawaaqay oo Burco ku yaala.

Guddoomiyaha ayaa xukuumadaha xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay jecelyihiin 18 May balse anay masuuliyad iska saarin ilaalinta gurigii ay maalintani ku dhalatay.

“Xukuumadihii kulmiye ee dalka soo xukumayay  ilaa 2010, 18 May way jecelyihiin balse waxa ayaan darro ah in gurigii lagaga dhawaaqay uu sida u egyahay maanta” ayuu yidhi.

Cabdiraxman Cirro ayaa soo jeediyay in sanadka danbe xuska 18 May lagu qabto gurigan.

“Waxan usoo jeedin laha xukuumada, in ay maalinta qaranka ee sanadka soo socota ee 18 May halkan lagu qabto” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa maal mihii ugu danbeyay ku sugnaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer halkaasi oo uu kaga qayb-galay munaasibada 18 May.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]