7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Xisbiga Waddani oo lagu eedeeyay in uu soo sharaxay musharax aan reer koodu Somaliland dagin
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xuseen (Buuni), ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu soo sharaxay Barkhad Jaamac Batuun oo uu sheegay in reer koodu Puntland dago.

Afhayeen Buuni ayaa ku andacooday in Barkhad aanu cod ka heli doonin gobol ka Maroodijeex.

"Waxa nasiib darro ah in xisbiga Waddani uu soo sharaxo afhayeenkii xisbiga (Barkhad Jaamac Batuun) oo aan Maroodijeex cod ka helayn" ayuu yidhi.

 Afhayeenka ayaa sababta aanu Barkhad cod uga helayn gobolka Maroodijeex ku sababeeyay in reer koodu aanu Somaliland dagin.

 "Waa nin bulshadiisiina anay cod siinayn Somaliland na anay reer koodu dagin, oo ay Puntland dagan"  ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 Barkhad Jamac Batuun oo hada ah afhayeenka xisbiga Waddani, ayaa u taagan doorashada golaha wakiilada, isagoo ka sharaxan gobolka Maroodijeex.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online