7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) -  Iyadoo lagu waddo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada ayaa waxaa maanta soo gaaray  qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Magaalada Muqdisho waxaa ilaa iyo hadda soo gaaray madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, ,Jubbaland iyo waliba Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka waxaa uu ku casuumay 

Shirkan oo lagu wadday in uu furmo maanta oo  Khamiis ah ayaa dib  u dhacay iyadoo la sugayo in dhamaan madaxda dowlad gobolleedyda soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]