7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Somaliland oo amaro kasoo saartay ka qayb galka ollolaha doorashooyinka ee ciidamada iyo shaqaalaha dowlada
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Kalfadhigii 75aad ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyay in shaqaalaha dowlada iyo ciidamadu anay wax lug ah ku yeelan karin ollolaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shir-guddoominayay kalfadhiga ayaa golaha ka hor akhriyay go’amada.

“Doorashooyinka sharciga ayaa qeexay sida loo galayo, shaqaalaha dowladu siyaasada wuu ka reebanyahay oo waa shaqaale” ayuu yidhi.

“Shaqaaluhu waa u dhex oo shaqadii qaranka ayay wadaan, sharciga ayaa sida ina faraya wayna nu ku dhaqmaynaa”.

“shaqaalaha iyo ciidamadu hogaamintii dalka iyo dowlad nimadii ayay hayaan marka in ay iyagu dhinacna raacaan maaha” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in siyaasiyiintii doorashada ku timiday ay iyagu ka duwan yihiin oo ay xaq u leeyihiin in ay shaqadooda siyaasiga ah wataan.

“Siyaasiyiinta golaha baarlamaanka iyo dowladaha hoose intiii doorasho ku timid maanta waa siyaasiyiin, waxayna ku jiraan shaqadoodi siyaasiga ahayd oo ay xaq u leeyihiin” ayuu yidhi.

Go’aamada golaha wasiirada ayaa ah go’aamo xasuusin uun loola jeedo madama ayna ahayn wax cusub oo horey uu sharciga doorashooyinku uga hadlay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]