7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Qaramada Midoobay oo ku dhiirrigalisay hoggaamiyayaasha Soomaaliya in ay si daacadnimo ah uga qeyb qalaan shirka Muqdisho
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirrigelisay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada.

Wakiiladda Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay.

“Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirka wadatashiga doorashooyinka oo raysal wasaaruhu hormuudka u yahay oo maanta lagu waday inuu qabsoomo ayay u muuqataa inuu dib u dhacayo.

Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaan weli tegin magaalada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa maridoona tijaabadii ugu adkayd ee hoggaamintiisa arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online