7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Puntland oo magacowday guddi qaban qaabiya aaska madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, General Cabdisamad Cali Shire ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii ugu dambeeyay uu cudurka Covid19 kula xanuunsanayay Hargeysa oo shalay diyaarad loogasoo qaaday.

Allaha unaxariistee, Gen, Cabdisamad ayaa sanadihii 2009 illaa 2014 soo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Waxaa sidoo kale uu ka tirsanaa saraakiishii sar-sare ee ciidankii xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo aas-aasayaashii Puntland.

Waqtiyadii ugu dambeeyay wuxuu marxuumku ku jiray guddiga dib u habaynta ciidanka qalabka sida ee Puntland.

Marxuumka ayaa lagu aasidoonaa magaalada Garowe, waxayna Puntland magacowday guddi qaban-qaabiya aaskiisa oo ka kooban 9 xubnood oo u badan wasiirro iyo saraakiil ciiddan.

Ku dhawaad Sanad kadib, waa madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Puntland oo geeriyooda. Bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu geeriyooday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee soo mara Puntland,  Maxamed Cabdi xaashi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online