7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdisamad Cali Shire

 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynaha

Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Waxaa lagu waddaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]