4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Wafdi ka socda dowladda Qatar iyo Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay Muqdisho

 

Axad, May 02, 2021 (HOL) -  Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shir ku yeeshay xubo ka tirsan midowga Musharixiinta iyo wafdi ka socda dowladda Qatar oo xalay soo gaaray Muqdisho.

Wafdiga Qatar waxaa hoggaaminayo ergay gaar ah oo ka socda Wasaarradda Arrimaha dibadda oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq Al-Qahtani

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo waliba khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo hora wafdigan ay kulan ula qaateen Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen  Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Qatar ayaa saameyn weyn oo siyaasadeed ku leh gudaha dalka Soomaaliya waxaa lagu tiriyaan in ay ka mid ah dowladdaha gacan saarka dhaw la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]