4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland oo baaq kasoo saartay xadhiga musharixiinta mucaarad ka
 

Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland, ayaa booliska ku eedeesay in ay si sharci daro ah u xidheen musharixiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo wariyayaal.

Warsaxafadeed ay xaruntu soo sartay ayaa lagu yidhi “xadhiga musharixiintu wuxu lid ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerka doorashooyinka”.

“Dastuurku waxa uu ogolyahay in muwaadinkasta uu is sharaxo oo uu xisbigu doono iska sharaxo, xeerka doorashooyinku waxa uu xasaanad siiyay musharixiinta oo lama xidhi karo hadii aanay danbi faraha kula jirin”.

“Caga-juglaynya iyo fara-galinta uu booliska Somaliland ku hayo doorashooyinka Somaliland, waxay caqabad ku yihiin mabaadiida asaasiga ah ee doorasho xor ah oo xalaala’.

Warsaxafadeedka ayaa dhinaca kale lagu sheegay in 4 tii bilood ee u danbayay 7 wariye xabsiga la dhigay, waxanay xaruntu sheegtay in xadhiga suxufiyiintu lidi ku yahay dastuurka Somaliland.

Xarunta xuquqal insaanka madaxa banana waxay xukuumada Somaliland ugu baaqaysa in ay xoriyadooda usoo celiso musharixiinta xidhan, isla markaana ay joojiso caga juglaynta ay ku hayso musharixiinta ayaa warsaxafadeedka lagu yidhi.

Waxa jira baaqyo kala duwan oo kasoo baxaya hay’adaha ku shaqada leh arrimaha xuquuqal insaanka iyo doorashooyinka oo xukuumada lagaga dalbanayo in ay xoriyadooda usoo celiso musharixiinta xidhan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]