4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Ergay ka socda dowladda Qatar oo kulamo ka wadda magaalada Muqdisho

 

Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ergay  gaar ah oo ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani kaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada.

Maalmaha uu sugnaan doono magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa ergayga in uu kulamo kala duwan la qaato dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda, Dowladda Dhexe, Dowlad Gobolleedyada iyo Midowga Musharixiinta intaba.

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ku soo dhaweeyay  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Balal Maxamed Cusman.

Imaantinka Ergayga Qatar ayaa imanaya xili la soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd muddo korarsiga oo maalintii shalay uu baabi'iyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]