4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Faysal Cali Waraabe “Intuu saldhiga booliska ugu tagay buu ku yidhi abti 10 sano ayaa lagu xukumayaa hadanad is casilin”
 

Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa taliyaha booliska Somaliland ku eedeeyay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.

Guddoomiye Faysal ayaa taliyaha ku eedeeyay in musharax xisbigiisa ka xidhan uu intuu saldhiga booliska ugu tagay ku yidhi is casil hadii kale 10 sano ayaa lagu xukumi.

“Waaka inanka uu abtiga u yahay ee Saaxil ka sharaxan xidhay ee markii la waydiiyay maxad u xidhay yidhi abti baan u aho waxan leeyahay ka joog nin kale ayaa Kulmiye ka sharaxane” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

“Intuu saldhiga booliska ugu tagay buu ku yidhi abti hadanad is casilin 10 sano ayaa lagu xukumayaaye is casil, waar ma argagixisaa!” ayuu hadalkiiisa ku daray.

Faysal ayaa taliyaha ku sheegay mid aan sharciga iyo dhaqanka booliska aan waxba ka garanayn.

“Waxa loo dhiibay booliskii ku yaroo reer Hargaysa ah oo uu markii horana Xirsi walay oo uu xidig, xidig, xidig, siiyay, oo uu madaxweynihiina ugu darayo uu yidhi booliiska xukun, booliiskaba garan mayo” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

“Wakaa anaga noo hanjabayee leh cid xasanad lihi ma jirto, dee haduu xasanada diido oo uu sharciga diido isna ma wuxu noqonayaa taliye” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya kadib markii ay dowladu xabsiga dhigtay musharixiin ka sharaxan xisbigiisa.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected]