7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaad 2 sano kadib magacaabay golihiisa wasiiradda
 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa muddo 2 sano ku dhow kadib magacaabay golihiisa wasiiradda oo ka kooban 50 xubnood oo isugu jira 23 wasiir, 22 Wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru udowle.

Liiska cusub ee golaha wasiiradda Jubbaland waxaa ka dhex muuqda xubno katirsanaa siyaasiyiintii mar qaadacay doorashadiisa, inkastoo ay mar dambe ku heshiiyeen in lasoo dhiso xukuumad wadaag ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tan markii dib loo doortay bishii August ee sanadkii 2019 aan sameynin wax magacaabis gole wasiirro ah.

Isagoo marar badan barlamaanka Jubbaland ka codsaday in dib loogu dhigo dhismaha xukuumadiisa.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online