7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Faysal Cali Waraabe “Qaladkii aynu 1960 galnay ayaynu markale galnay 2012 markii aynu la hadalnay dal aan jirin”
 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wada-hadaladii ay Somaliland la furtay dowlada Soomaaliya, ay qadiyada Somaliland waxyeelo ugaysteen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay adduunka ugu macnaysay wada-hadalada in ay yihiin wada-hadalo dib loogu midaynayo Koonfur iyo waqooyi.

“Arrinta way badaleen shakhsiyaadka kolba Muqdisho fadhiista ee dowlada isku sheega, adduunkii waxay ka dhaadhiciyeen in ay yihiin wada-hadalo lagu midoobayo” ayuu yidhi.

“Inaguna awood aynu ku fidino nuxurka saxda ah maynaan yeelan” ayuu hadalkiisa siiraciyay.

Faysal ayaa sheegay in wadahadaladu ay sababeen in waddamadii doonayay in ay Somaliland aqoonsadaan ay hakiyaan aqoonsigii.

“Waxay keentay in waddamadii usoo hanqal taagayay ictiraaf keena la hakiyay, taasi waxay keentay in dowlad aan jirin la ictiraafo” ayuu yidhi.

“Waa in ayu wada-hadalada joojinaa, dalkeenii waynu haysana, waa in aynu qadiyadadeena adduunka ka iibinaa” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay 2012 markale qaaday talabadii ay Soomaaliyadii Talyaaniga ugu biirtay 1960 oo kale.

“Qaladkii aynu galnay 1960 ayaynu markale galnay 2012 markii aynu la hadalnay dal aan jirin” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hore uga qayb galay fadhiyo kamid ah wada-hadaladii u qabsoomay Somaliland iyo dowlada Soomaaliya, ayaa baryahaan danbe aan kuniyad samayn siiwadida wadahadalada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]