7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar ay faafiyeen warbaahinta Kenya
 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi  Maxamed Gulled ayaa beeniyay warar lagu faafiyay warbaahinta Kenya oo sheegaya in labada dowladdood ay heshiis ka gaareen muranka badda.

Raysal Wasaare ku xigeenka oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Mahdi Gulled wuxuu sheegay inay Soomaaliya sugayso go’aan caddaalad ah oo kasoo baxa maxkamada ICJ oo bishii march soo gabagabaysay dhegaysigii dacwadda badda.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay si siman u qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska ku jira aag baddeedka lagu muransan yahay.

Bishii Maarso, Kenya ayaa ka baxday dacwadda badda, iyadoo ku eedeysay ICJ eexasho ku saabsan in laga diiday codsi dib u dhigis ah.

Sarkaal diblomaasiyadeed oo Qatar ah oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in ay xalliyaan cadaawadda ka dhalatay muranka badda.

Khamiistii la soo dhaafay, Kenya iyo Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen inay soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee la jaray bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online