7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ka dhacay magaalada Jowhar

 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo maanta gudaha degmada Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox macwiisley maleeshiyaad ah oo weeraray sida ay wararku sheegayaan barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iska horimaadka labada dhinac oo ahaa mid xooggan uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cali Madoobe , lama sheegin khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

Kooxdan maleeshiyada ah oo lagu magacaabo Macwiisley ayaa la sheegay in ay fariisimo ku leeyihiin dhinaca galeed ee magaalada Jowhar, lamana oga sababta keentay in ay iska horimaad la galaan ciidanka dowladda.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Hirshabeelle, iyadoo magaalada Jowhar ay la daalaa dhaceyso fatahaad u sameeyay wabiga Shabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]