7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo cambaareeyay duqaynta ay Israa’iil ku hayso magaalada Qasa ee cariga Falastiin
 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xaalka Falastiin ku sifeeyay sidii neef la qawracay oo sii dhimanaya oo kale, waxanu dowlaha quwada leh ugu baaqay inay ka hadlaan xad gudubyada ka dhacaya Qasa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga xuntahay dhibataada haysata dadka reer Falastiin.

“Somaliland waxa Falastiin ku dhacaya aad iyo aad bay uga xuntahay, tamarta yadu maanta waa duco” ayuu yidhi.

“Hiil qalbiga ah, hiil duco iyo mid islaam nimo ba waanu lataaganhay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa dowladaha quwada leh ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ciidamada Israa’iil ku hayaan shacabka Falastiin.

“Shanta dowladood ee caalamka ka taliya, ee taageeraya dulmiga ku dhacaya shicibka, agoonta iyo maatida Falastiin waxanu leenahay adduunku sida ahaan maaye hala bad baadiyo maatida loo xoog sheeganayo” ayuu yidhi.

“Caqli maaha labada dhinacba xabada ha joojiyeen, Falastiin waa neef la gowracay oo lugta uun dhaqaajinaya”.

“Dowladaha diidmada qayaxan leh ee arrinta ku dheel dheelayow waajibaa idinka saran taariikhduna sida ahan mayso” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili ay colaadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil sii xoogaysanayaan, isla markaana ay ciidamada cirka ee Israa’iil duqaymo lagu hoobtay ka gaysteen magaalada Qasa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]