7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Madaxweyne Biixi “Soomaali dantooda ayuunba kala soocane cid aanu cadawad u haynaa ma jirto”
 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in Somaliland jiritaan keeda difaacayso isla markaana anay jirin cid ay cadawad u hayso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland rabto in ay cid kasta nabad kula noolaato isla markaana anay jirin cid ama reer gaar ah oo ay dadka reer Somaliland cadawad u hayaan marka laga reebo dowladii kacaanka iyo askarteedii.

“Soomaali iska daaye sanku neefle oo dhan bay Somaliland rabtaa in ay nabad kula noolaato, Soomaali danaheeda uunbaa kala soocane anagu cidna cadawad uma hayno” ayuu yidhi.

“Wixii burbur naloo gaystay ma jirto cid iyo reer Soomaaliyeed oo aanu u haynaa, dowladii siyaad Bare ee macangaga ahayd iyo askarteedi baanu u haynaa” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Somaliland jiritaan keeda daafacayso isla markaana ay Somaali oodhan wanaag u hayso.

“Somaliland qaranimadeeda way difaacaysa Soomaalina nabad iyo wanaag bay u haysaa” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay madaxweynayaashi kala danbeeyay ee Soomaaliya in mid waliba cadawada kula kacay Somaliland.

“Waar ma waxad ku tashateen kii meesha yimaadaba in aan tidhaahdaan Somaliland la dagalan, 30 sano ayaynu kala maqanahay waxba iskuguma keen jiraan, wixi inaga dhexeeyay ee ictiraaf iyo adduun ah waanu idiin daynay” ayuu yidhi.

“Ma waxaad garan waydeen aynu nabad kuwada noolaano, oo Somaliland waa dowlad aynu walaalonahay aan nidhaahno” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya looga fadhiyo nabad kuwada noolaansho iyo is aqoonsi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku dheeraday in loobahanyahay Soomaali kala dowlado ah oo nabad kuwada nool waa sida uu hadalkiisu u dhignaaye.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]