7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 19, 2021
Madaxweyne Guudlaawe'' Wax yeello ayeey geysatay fatahaadda Jowhar

 

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL ) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa walaac ka muujiyay xaalada magaalada Jowhar iyo deegaanno hoostaga kaddib markii uu ku fatahay wabiga Sabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadu saameysay ilaa 25 tuulo oo hoostaga degmada Jowhar, kuwaa oo dhamaan dadkii ku noolaa ay dibadda uga baxeen, sidoo kalana waxaa ay baabi'isay ayuu yiri dalagyo farabadan oo sanadkan la filayay in la goosto.

Guudlaawe ayaa intaa ku darray in fatahaad hor leh la sheegay in uu wabigu ka sameynayo qeybo kale oo ka mid ah isla gobolka Shabeellaha dhexe sida Balcad iyo degaano kale isaga oo ku baaqay gurmad deg deg ah.

Fahataadda ku dhufatay magaalada Jowhar iyo deegaannada hoostaga ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd ee sanadihii danbe soo marta gobolka, waxaana jira eedeymo culus oo loo jeedinayo dowladda dhexe oo la sheegay in ay is hortaagtay mashaariic wax lagaga qaban lahaa arrintan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]